Allbanaadir.com
NEWS

Askari Somali Mareykan ah oo Dacwad lagu soo oogay kana soo muuqday Maxkamad

Waxaa shalay Maxkamada Justine Damond ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka lasoo taagay askari asalkiisu Soomaali yahay, waxaana askarigan loo heestaa in uu dil u geestay haweeney kasoo jeeda dalka Australia.

Maxamed Nuur oo 32 jir ah ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil u geestay haweeney aan hubeesneyn, waxaana askarigan lagu soo oogay dil heerka labaad ah iyo mid heerka saddexaad ah.

Haweeneyda la dilay ayaa wacday booliiska iyada oo ku wargalisay in dhibaato jirto, waxaana haweeneydan markii booliiska gurigeeda tageen si lama filaan ah xabo ugu dhuftay askariga Soomaali Mareykanka.

Mike Freeman ayaa maxkamadda ka hor caddaynayay dambiyada loo haysto Maxamed Nuur ayaa sheegay in uu taxadar la’aan ahaa, hubkiisana uu si ula kac ah ugu riday haweeneyda geeriyootay.

Dambigan dilka ah ee loo heesto askarigan asalkiisu Soomaaliga yahay balse heesta dhalashada dalka Mareykanka ayaa hadii lagu helo waxa uu muteesan karaa xukun xabsi ah oo gaaraya 25-sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Si cad u sheegay in aysan xiiso u qabin la kulanka Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Xarakada Islaax oo Baaq kasoo saartay Khilaaf ka dhax taagan Baarlamaanka Soomaaliya

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Labo Nuuc Doorasho ee soo bandhigtay Xaliimo Yarey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---