Qarax lagu weeraray kolonyo ay wateen ciidanka Itoobiya iyo khasaare ka dhashay

Qarax khasaare geystay ayaa kolonyo ay wateen ciidamada Itoobiya lagula eegtay degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ka dhacay agagaarka Saldhiga weyn ee Ciidanka Itooiya ku leeyihiin degmada Garbahaareey.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay maqleen jugta qaraxa, balse aysan cadeyn karin khasaaraha gaarey ciidamada Itoobiya ee lagu weeraray.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Itoobiya uu ku dhintay qaraxa halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas iyagoo xusay in weerarka miino ay ku dileen laba ka mid ah askarta Itoobiya afar kalena ku dhaawaceen.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Garbahaarey ayaa waxay ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga uu caadi ku soo laabtay ka dib muddo saacad ku dhow ay hakad ay ku jireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -