Dabaaldegyo ka bilowday magaalo ku taalla Ukraine oo ay ka baxeen Ruushka (Sawirro)

Ciidamada milatariga dalka Ukraine ayaa dib ula wareegay magaalada Kherson, kaddib markii ay magaaladaasi isaga baxeen ciidamada Ruushka oo dagaal qaraar kula wareegay  dhoor bilood kahor .

Milatariga Ruushka ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in ay isaga baxeen magaalada Kherson, oo aheyd xarun muhiim ah oo ciidamada Ruushka kala wareegeen dowladda Ukraine markii duullaanka kusoo qaadeen kaddib.

Shacabka kunool magaaladan ayaa si weyn ay farxad badan ka muuqatay kusoo dhaweeyay ciidamada Ukraine ee dib ugu soo laabtay, waxaana la arkayay dabaaldagyo waa weyn oo ka socda magaalada Kherson.

Ciidamada milatariga Ruushka ee duullaanka ku galay dalka Ukraine ayaa bilaabay dib u gurasho, waxa ayna ciidamada ka baxeen deegaano dhoor ay kula wareegeen dagaalo culus oo dhiig badan ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -