Wasiir hore oo ku baaqay in la baaro Wada shaqeyn ka dhaxeysa Farmaajo iyo Al Shabaab

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay mar ahaayeen saaxiibo isku dhaw.

Waxa uu sheegay Wasiir hore Goodax in Farmaajo uusan marnaba raali ka aheyn in lala dagaalamo meeshana ka baxaan Al Shabaab, waxa uuna intaa ku daray in Farmaajo isir naceyb gaar ah u qabay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed iyo gobolo gaar ah.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo hadda jooga Turkiga uu ku howlan yahay fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee dalka ka socda.

”Inta aan ka aqaan Farmaajo, marnaba raalli kama ahayn la dagaalanka khawaarijta UGUS, taa waxaa u dheereyd isir nacaybka gobollada iyo beelaha qaar uu ku bartilmaameedsanaayay muddadii uu xilka hayay. Waa ayaandarro iyo nasiib xumo weyn in isagoo Ankara jooga uu ku hawlanyahay fashilinta la dagaalanka UGUS” ayuu yiri Goodax.

Wasiirkii hore Goodax  ayaa ugu baaqay Hay’adaha amniga  in ay baaraan wadashaqaynta Shabaab iyo Madaxweyne hore Farmaajo, waxa uuna codsaday cid kasta oo haysa macluumaad ku saabsan arrintan ay la  wadaagaan hay’adaha amniga.

‘Hay’adaha amniga waxaa ku waajibay in ay baaraan wadashaqaynta Shabaab iyo Madaxweynihii hore, cid kasta oo haysa macluumaad ku saabsan arrintan hala wadaagaan hay’adaha amniga. Waxaan ku boorinayaa qof kasta oo uu soo waco Madaxweynihii hore in laga duubo codka si bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga loola wadaago dhagartiisa iyo jaa’ifada uu dalka iyo dadkaba ku haayo.” ayuu yiri Mr Goodax Barre.

Dowladii hore ee Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in aysan raali ka aheyn in Al Shabaab dagaal dhab ah lala galo lagana saaro dalka, waxaana taa badalkeeda siyaasiyiinta qaar ku eedeeyeen in masuuliyiin katirsan dowladda xiriir kala dhaxeeyay Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -