War cusub oo ka soo kordhay canugii maalmo ka hor laga xaday Isbitaalka SOS (Sawirro)

Ilmo yar oo Jimcihii la soo dhaafay laga xaday Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in haatan la helay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska Somalia.

Warka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay degmada Hodon ku qabteen haweeneydii lagu tuhunsanaa inay xaday canuga yar, waxaana lala qabtay haweeney kale iyo nin la socday, iyagoo hadda ku xiran Xarunta Dembi baarista ee CID-da.

Canugii la xaday ayaa la helay iyadoo in dib loogu celiyey hooyadiis oo ku jirtay isbitaalka SOS, wuxuuna dib ula midoobay hooyadii oo uu ka maqnaa muddo ku dhow 48 saacadood.

Waxaana baaris ku socotaa haweeneyda lagu tuhunsan yahay inay ka danbeysay xatooyada canugaasi oo saacado kooban dhalannaa markii ay kala baxsatay Isbitaalka SOS, kadibna la waayey cid taqaan iyo meel ay kala dhacday.

Dadka degaanka ayaa la sheegay inay Booliska ku wargeliyeen haweenay ay ku tuhmeen inay heysato canug aysan dhalin, taasoo xaaladdeeda shaki ku dhalisay, kuna qasabtay iney booliska wargeliyaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA ILMAHA YAR OO DIB ULA MIDOOBAY HOOYADIIS

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -