Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Anita Kiki iyo xubno la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminaysay.

Wafdiga Madaxweynaha uu qaabilay waxaa kamid ahaa Wakiilka hay’adda FAO, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Haweenka ‘ iyo Madaxa Xafiika Unsom ee Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa is xogwareysi ku saabsan arrimaha bini’aadanimo, amni iyo arrimaha horumarineed ee deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale dhacay kulamo gaar gaar ah oo qaarkamid ah madaxda Qaramada Midoobe la yeesheen Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugala hadlay
Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya sida looga jawaabi lahaa xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan,barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.

Related posts

Booliska Somalia oo ka hadlay dilka nin ganacsade ah & geerida Xildhibaan hore

Caydiid Ali

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo goordhaw geeriyooday

Cabdi Cade

Dugsiga Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade