Aqalka Cad oo shaaciyay in Biden qorshaha ugu jirin in uu la kulmo Maxamed Bin Salmaan

Dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa xiriirkooda mugdi soo galay, kaddib markii ururka OPEC+ ee uu Sacuudigu hoggaamiyo uu dhimay wax soo saarkii shidaalka, taas oo dhabar jab ku noqotay dadaal uu waday maamulka Biden.

Aqalka Cad ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha xilligan ugu jirin in Madaxweyne Joi Biden uu kulan gaar ah la qaato dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, marka uu furmo shirka  G20 ee ka furmaya Indonesia.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa  sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uusan qorsheyneynin inuu kulan gaar ah la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweyne Joi Biden iyo Amiir Maxamed Bin Salman ayaa kulmay bishii July ee sannadkan, hasa ahaatee kulankaasi kaddib ayaa Sacuudiga qaatay go’aan ka careesiiyay Aqalka cad ee looga arimiyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -