Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Dil Muqdisho loogu geestay Imaam Masaajid

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay Sheekh Cabdi Casiis Maxamed Xersi oo ahaa Imaamkii Masaajidka caanka ah ee Dabaqeynka ee kuyaalla degmada Dharkeenley.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Maxamed Xersi , xilli uu masaajidka ka baxay kuna sii jeeday gurigiisa.

Axmed Fiqi ayaa tacsi u diray ehelada iyo dadkii kale uu ka baxay Sheekh Cabdi Casiis Maxamed Xirsi, waxa uuna sheegay in wadaadka kaliya uusan aheyn imaam balse uu ahaa nin nabadoon ah oo samaha ka shaqeeya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Al Shabaab caado ka dhigteen in masaajida dhaxdooda iyo bannaankoodaba ku dilaan culimada iyo dadka kale ee caamada ah, waxa uuna sheegay in kooxdaasi si qaldan u isticmaalayaan magaca diinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -