Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada magaalada Guriceel iyo Cabsi soo korortay

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi wali ka jirto cabsi laga qabo dagaal xoogan oo dhax mara ciidamada Galmudug oo taageera ka helaya kuwa dowlada federaalka iyo ciidamo taageersan hogaanka Ahlu Sunna.

Ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan magaalada Guriceel ayaa wada in dhufeesyo hor leh ka qotaan gudaha magaaladaasi, kuwaa oo isku dayaya in ay ku fara adeegaan gacan ku heynta magaaladaasi oo muhiimad gaar ah u leh.

Magaalada waxaa wali ka taagan cabsi xoogan oo sababtay in dad tiro badan isaga qaxaan, waxaa sidoo kale wali xiran qaar kamid ah ganacsigii magaaladaasi sababo la xariira cabsida laga qabo in dagaal dhaco.

Ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa ku sugan duleedka magaalada Guriceel, ciidankan ayaana wali sugaya amar ay ku weeraraan magaalada Guriceel ay hada joogaan ciidamada Ahlu Sunna.

Waxgaradka magaalada Guriceel ayaa ugu baaqay kooxda Ahlu Sunna in magaalada isaga baxaan si magaalada dagaal uga bad baado, hasa ahaatee Ahlu Sunna ayaa diiday dalabka odayaasha iyagoona ku adkeestay in magaalada ku fara adeegayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -