Madaxweyne Deni oo ka hadlay kulankii dhax maray Qoor Qoor iyo Xaaf

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay dadaalada dib u heshiisiinta ee ka socda Galmudug iyo kulankii dhax maray Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Xaaf.

Siciid Deni ayaa soo dhaweeyay dadaalada dib u heshiisiinta ee lagu qancinayo dadka tabashada ka qaba dhismaha Galmudug, waxa uuna si aad ah usoo dhaweeyay in Madaxweyne Xaaf ku laabto Dhuusomareeb lana kulmo Madaxweyne Qoor Qoor.

“Waxaa muuqata markii Galmudug isku kaliyaysatay dadkeedu oo dowladda dhexe ay waqti siisay in arrimooda xalistaan, waana arrin aan ku bogaadinayo in degaan kastaa arrimahooda xalistaan” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in samir iyo dulqaad badan muujiyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug, waxa uuna sheegay in ay tahay wax bogaadib mudan in si hoose loo xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili Puntland lagu eedeenayay in qeyb ka tahay khilaafka ka jira Galmudug ayna gadaal ka riixeesay Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf oo diidanaa doorashadii ka dhacday Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -