Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Aadan Madoobe & Axmed Karaash oo ku kulmay Garowe? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho, iyagoo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada guud ee degaannada Puntaland iyo abaaraha ka jira dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay horumarada iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka reer Puntland isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay cidka kasta oo sameeysa horumaro.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shalay gaaray Garowe ayaa  halkaas ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona mudo hal todobaad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dagaalka ka socda Garowe

Caydiid Ali

Senator Faroole oo ka digay arrin u damacsan yahay Madaxweyne Saciid Deni

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dowlada iyo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---