Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dagaalka ka socda Garowe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku baaqay in si degdeg ah oo  shuruud la’aan ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uusan xal u ahayn  khilaafka siyaasadeed, waxaana uu maamulka Puntland, oo ay ugu horreeyaan Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ku booriyay wax kasta  oo keeni kara kala aragti duwanaansho siyaasadeed in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo la dhowraayo nabada isla-markaana aan la barakicin shacabka, isagoona Alle uga baryay intii ku dhimatay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo inta ku dhaawacantayna Eebbe caafimaad deg deg ah siiyo.

Ku dhowaad ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 15 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney dishay Carruur ay dhashay oo lagu fuliyay xukun dil ah ay horey u codsatay

Cabdi Cade

Taageerayaal buux dhaafiyey hoyga uu laacibka Max’ed Saalax ka degan yahay Qaahira (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamaanka Soomaaliya oo qorsheenaya Muddo kororsi iyo Warqad sir ah oo la helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---