Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dowlada iyo …

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kaga sugnaayeen duleedka Degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Dagaal xoogan oo saacado badan socday ayaa dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada huwanta ah, waxaana daryanka hubka culus iyo madaafiicda labada dhinac is dhaafsanayeen si weyn looga maqlayay degmada Garbahaarey.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka culus ee labada ciidan dhax maray, waxaana saraakiil u hadashay dowlada iyo Al Shabaab mid kastaahi dagaalka ka sheegteen guulo wax ku ool ah.

Al Shabaab ayaa  weeraro culus ku qaada saldhigyada ay gobolada dalka ka joogaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM , waxaana weeraradaasi uu khasaaro kasoo gaaraa dhinacyada dagaalama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -