Ciidanka DF oo soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay (Sawirro)

Ciidamada Xoogga dalka ayaa degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ku soo bandhigay Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada

Abshir Macalin Idiris oo magaciisu afgarashadu yahay Sahal ayaa  isku soo dhiibey Taliska Guutada 8aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Dhulka  ee fadhigooda yahay Degmada Diinsoor, isaga oo watay Qoray nooca AK-47 ah iyo Booshkiisa.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Abshir uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Jabhaddaha, isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro ay Al-Shabaab ka geysteen degaanno ka tirsan Gobolada Galgaduud, Mudug, Hiiraan Shabeellaha Dhexe & Jubboyinka.

Abshir Macalin idiris oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo Shan sano ah uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu Al-Shabaab uga biiraay degaanka Gurbaan ee Gobolka Bay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -