Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Somalia oo caawa la weeraray

Qaraxyo iyo rasaas culus ayaa caawa fiidnimadii laga maqlay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia oo ku taalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan rag hubeysan ayaa bambooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa ku tuuray xeyn-daabka Wasaarada Gaashanadhiga oo ah goob si weyn loo ilaaliyo.

Ciidamada dowlada ee ilaalada ka ah xaruntaasayaa rasaas culus ku jawaabay, waxayna ciidamadu isku baahiyeen agagaarka xarunta Wasaaradda iyagoo raadinaya raga hubeysan ee weerarka soo qaaday.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan hase ahaatee Al-Shabaab ayaa xoojisay saacadihii ugu dambeeyey weerarada iyo dilalka ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho.

Saaka subaxdii hore ayey aheyd markii dabley hubeysan ay degmada Waaberi ku dileen gudoomiye  laameed ka tirsan degmadaas, iyadoo duhurnimadii maantana madaafiic khasaare geysatay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Somalia, isla caawana ka sokow weerarka Wasaarada Gaashaanshiga, dabley hubeysan ayaa degmada Xamar-weyne ku dishay wiil ka mid ahaa kunkii dhalinyaro ee uu shaqo u sameeyey gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaaryahan Caan ah oo qaatay tababar ciidan kuna guuleestay abaal marin !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo baneeyey xero milateri oo ku taala duledka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Munaasabad heer sare ah oo lagu qabtay Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade
Taboola Ads ---