Nin si xeeladaysan dad badan u laayey si Suuq loogu helo naxashka Meydadka lagu aaso

Ciidanka Booliska Jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa xiray nin ka shaqeeya gawaaridda gurmadka deg dega ah ee ambalaasta oo looga shakiyay inuu dad dilay, arrintaasna lacago kaga qaatay goob naxashyada lagu iibiyo.

Ninkan ayaa la sheegay inuu hawo kaga duray xididda ugu yaraan saddex ruux oo qaba xanuunno aan la daweyn karin oo guryahooda dib loogu celinayay.

Waxaa la sheegay in mayd kaste lagu siiyay 265 giniga istarliinka ah, iyadoo Warbaahinta Talyaaniga ugu yeertay arintan fadeexadda ambalaasta geerida.

Booliiska ayaa ninkan xiray ka dib markii uu soo wargaliyay nin sheegay inuu yahay burcad soo hanuunay, wuxuuna faahfaahinta siiyay maamulka magaalada Catania iyo barnaamij dabogal sameeya oo telefishin ka baxa.

Ninkan ambalaasta ka shaqeeya oo 42 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwado dil la xiriira, isagoo sida la sheegay ka faa’iidaystay ehellada dadkaas oo aad u murugaysnaa uuna kula taliyay xarun ka shaqaysa arrimaha xabaalaha oo lala xiriiriyay burcadda Sicilian mafia kuwaasoo lacag ka siin jiray dadka uu ku soo xiro.

Waxaa jira warar sheegaya in hawshan ay soo socotay tan iyo 2012kii lagana yaabo inay jiraan dad intaas ka badan la dhibaateeyay.

Baareyaashu waxay sheegeen in ay tobannaan dhimasho oo ka dhacday Biancavilla dib u fiiriyeen ayna ka shakiyeen 12 dhimasho oo ka mid ah, saddex ka mid ah baaritaannadaasna la horgeeyay maxkamad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -