Nin cabsi iyo jahwareer ku abuuray Yahuud badan oo xukun lagu riday (Daawo Sawirro)

Nin asalkiisu yahay Israa’il balsa heesta dhalashada dalka Mareykanka ayaa lagu riday xukun adag oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah in fariimo habjabaad been abuur ku jahwareeriyay kumanaan Yahuud ah.

Michael Ron David Kader oo 20 jir ah, ayaa lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah, waxaana ninkan Maxkamada ku heshay in labo kun oo hanjabaad ah u diray xarumo ay leeyihiin Yahuuda oo kuyaala wadamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Britain .

Ninkan ayaa Yahuuda ugu hanjabi jiray in uu weerarayo xarumo ay leeyihiin Yahuuda gaar ahaan xarumaha bulshada, garoomada diyaaradaha, iskuulada iyo xarumo kale ay leeyihiin bulshada Yahuuda.

Michael Ron David Kader  ayaa lagu xiray sanadkii hore magaalada Ashkelon ee ku taalla Israa’iil, waxaana soo qabashada ninkan iska kaashaday sirdoonada Israa’il iyo Mareykanka oo ninkan mudo ku daba jiray.

Ninkan Yahuuda cabsida badan ku abuuray ayaa la sheegay in isaga oo internetka isticmaalaya uu wici jiray Mareykanka,UK,Canada,New Zealand iyo Australia islamarkana uu codkiisa ka dhigayay cod dumar isaga oo isticmaalaya barnaamij Kombuyuutar.

Waalidiinta ninkan xukunka lagu riday ayaa ku dooday in maskaxda wiilkoodu uusan wanaagsaneyn balse garsooraha xukunka ku riday ayaa meesha ka saaray dooda qoyska ninkan, waxa uuna sheegay in caafimaadkiisa uu taam yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -