(Sawirro) Baroordiiq loo sameynayo dad 150 ka badan oo ku dhintay shil ka dhacay..

Kuuriyada Koonfureed ayaa u baroordiiqeysa in ka badan boqol iyo konton qof oo ku dhintay, isbuurashadii ka dhacday xalay magaalada Seoul, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawaca ay sii kordhayaan.

Mid ka mid ah dhakhaatiirta goobta ku sugnaa, ayaa sheegay in dad aad u badan oo ay masiibadu soo gaartey wajiyadooda laga dheehan karayey murugo iyo welwel.

“Waan qaban kari waayay neefta kasoo baxeysa dadka, qaar badan oo ka mid ah oo neef qabatoomay, ayaa sanka dhiigu ka da’ayey.” ayuu yiri

Goob joogayaal ayaa ku tilmaamay muuqaalo naxdin lah waxa kasoo baxay goobta musiibada, markii waddooyinka ciriiriga ah ee degmada ku yaalla ee magaalada caasimadda ah ee Seoul, ee caanka ah ee Itaewon, ay dadka isku buurteen, iyadoo markaa kadibna ay neef qabatoomeen.

Kumanaan dhalinyaro ah iyo dad da’ah, ayaa yimid degmada Itaewon, iyagoo ku labisan dhar ay uga qeyb galayaan xafladda Halloween-ka.

Waxay ku faraxsanaayeen inay ugu dambeyntii xafladani qabsoonto, ka dib laba sano oo xannibaado cudurka safmarka ah ee Covid uu ka jiray dalka Kuuriyada Koonfureed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -