Madaxweyne Xassan Shiikh oo dhiig ugu deeqay dhaawacyada qaraxyadii Soobe

Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiig ugu deeqay dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Xasan Sheekh ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyada argagixiso.

Waxaa uu ku baaqay in loo midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Xassan shiikh ayaa sidoo kale bogaadiyey sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda; biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaareen dhaawacyada, isaga oo dhankiisa ku deeqay dhiig si uu u dhiirri geliyo olalahan gurmadka qaran.

Dad ka badan 100 qof ayaa ku naf waayey in ka badan 300 kalena wey ku dhaawacmeen Magaalada Muqdisho qaraxyadii is xig xigay oo ka dhacay shalay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -