Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoonka Baarlamanka Somalia & madaxdii hore ee dalka oo kulan kale yeeshay (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay shir ay leeyihiin guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo iyagu haatan hoggaamiya mucaaradka DF.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarunta Xisbiyada Madasha Qaran ee Muqdisho, waxaana la sheegay in diiradda lagu saaray doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dalka ka dhacaan iyo sidii loo wajihi lahaa.

Kulank ayaa soo gabagaboobay wax yar ka hor, mana jirto illaa hadda cid warbaahinta u soo bandhigtay waxyaabaha ka soo baxay.

Wararka lagu kalsoon yahay oo kulankaas ku dhow ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal iyo ku-xigeenkiisa Muudey ay soo jeediyeen kulan deg deg ah oo dhexmara Madaxweynayaashii hore iyo Madaxweyne Farmaajo, isla caawana uu Madaxtooyada kulanka dhaco balse waxaa la sheegay in madaxdii hore ay dalbadeen in kulankaas dib loo dhigo, si ay wadatashi u gaar ah uga yeeshaan.

Waa kulankii labaad ee ay yeeshaan dhinacyada iyadoo xilligan uu waddanku isku diyaarinayo doorashooyin la qabto dabayaaqada 2020 iyo horraanta 2021-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa toddobaadkiihore mar uu khudbad u jeedinayey baarlamaanka sheegay inuu taageersan yahay in doorashadu ku dhacdo xilligii loogu talogalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay ….

Cabdi Cade

Ciidamada Dawladda Somalia oo degaano cusub kala wareegay Al-shabaab

Caydiid Ali

(Akhriso) Jadwalka doorashada Saddex ka mid ah kuraasta taalla Gaalkacyo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---