(Sawirro) Madaale oo war cusub ka soo saaray dadkii lagu waayey qaraxyadii shalay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa markale tagay goobtii ay Al-shabaab Qaraxa kula beegsadeen Shacabka Muqdisho ee Soobe, halkaasoo ay shaqo ka wadaan howlwadeeno ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar iyo Bulshada Gobolka Banaadir oo iskaashanaya si loo sii baadi goobo dad weli la la’yahay.

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiyaha u kuurgalay baaxada ay la egtahay dhibaatada halkaasi ka dhacday isagoo warbixino ka dhageystay Guddiga Gurmadka Deg Dega ee Gobolka Banadir oo ay hogaaminayaan Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti).

Guddigaan oo uu saakay Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa kormeero kala gedisan kusoo sameeyay dhamaan goobaha Caafimaadka ee la geeyay dhaawacyada, sidoo kale waxa ay Guddiga u kuurgaleen gurmadka ay fidinayaan shacabka Muqdisho ee iyagu dhiiga ugu deeqaya dadka dhaawaca ah iyo kuwa isxilqaamay ee Askarta iyo qeybaha kale ee Bulshada soo gaarsiinaya cunooyinka iyo cabitaanada.

Madaale ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii nolosha iyo geerida lagu weysanaa la helay meydadkooda laga soo saaray burburka, kuwo kalena la baadi goobayo.

Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ugu baaqay Shacabka Muqdisho in ay ka qeyb qaataan gurmadka iskuna gar-gaaraan, asigoona dhinaca kale faray goobaha Caafimaadka in aan wax lacag ah laga qaadi karin dhaawacyada iyo dadka deeqda dhiiga bixinaya. Waxaa uu ugu Mahadceliyay Bulshada qeybahooda kala gedisan dadaalka ay ku bixinayaan in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -