Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo eedeymo culus u jeedisay dalalka Yurub iyo Mareykanka

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa eedaymo culus u soo jeedisay dalalka ree galbeedka iyo Maraykanka oo ay sheegeen inay faragalin ku hayaan arrimaha guddaha Itoobiya.

Itoobiya waxay sheegtay in xukuumadda Biden hoggaamiyo iyo dalalka ree galbedku ay la safteen kooxda TPLF oo ay doonayan inay badbaadiyaan.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in Maraykanka iyo reer galbeedku ay afka ka sheegaan inay la dagaalamayan argagixisada caallamiga ah balse daddaal kasta ku bixinayaan badbaadinta TPLF.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili Ciidamada Itoobiya oo taageero ka helaya kuwa Eritrea ay kulaalayaan magaalada Makelle ee xarunta maamulka gobolka Tigray

Sidoo kale, Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili Wadahadallo nabadeed oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaadda taagan gobolka Tigray ay ka socdaan dalka Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo ogolaaday in Suuriya ay heshiis la gali karto Israa’iil

Cabdi Cade

Dowladda Itoobiya oo loogu baaqay iney kala dirto ciidamada loo yaqaan Liyu booliis

Caydiid Ali

Virginia Gamba oo Muqdisho timid iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---