Ciidanka Booliska Somalia oo dad badan ka qabqabtay xaafado ka tirsan Muqdisho

Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir kaasoo lagu soo qabqabtay dhalinyaro fara badan.

Howlgalka ayay ciidamada ku baarayeen Guryaha iyo Gaadiidka, waxaana Goob fagaaro ah isugu keeneen Dhalinyaro fara badan oo howlgalka lagu soo qabtay inkastoo la siidaayay badankood.

Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Banaadir Saciid Baryare ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish.

“Intooda badan waanu sii deynay, marka laga reebo tiro kooban oo xabsiga la dhigay, kuwaasoo baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono, haddii wax dambi ah lagu waayana la sii deyn doono” ayuu yir Saciid Baryare.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwo si joogta ah looga sameeyo Magaalada Muqdisho, isaga Shacabka ugu baaqay inay ciidamada kala shaqeeyaan sugida Amniga.

Degmada Heliwaa ayaa ka mid ah xaafado la aaminsan yahay iney gabaad ka dhigtaan kooxo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana laga soo abaabulo weeraro kala duwan oo loo geysto fariisimo ciidamada DF iyo AMISOM ku leeyihin degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -