Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Itoobiya oo loogu baaqay iney kala dirto ciidamada loo yaqaan Liyu booliis

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuql insaanka ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dirto ciidamada Liyu booliiska ee deegaanka soomaalida Itoobiya.

Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka gobolka dariska la ah ee Oromia .

“Xukuumadda Itoobiya waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dirtaa ciidamada Liyu booliiska ayna ku badashaa booliis u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay warbixinta Amnesty”.

“Waa in aan loo ogolaan askartan in sida ay doonaan ay dadka ugula dhaqmaan si arxan daro ah ayaa intaa lagu daray”.

Sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International xubnaha Liyuu booliiska ayaa toddobaadkan gubay 48 guri oo ay leeyihiin dadka Oramada kuwaasi oo ku noolaa deegaankaSoomaalida islamarkana lagu qasbay in ay u qaxaan Kiro oo ka tirsan gobolka Oramada.

Amnesty International ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda Itoobiya in ay dhaqangaliso talooyiinkii aftidii 2004 taasi oo loo codeeyay in si cad loo calaamadiyo xuduuda u dhaxaysa Oramada iyo soomaalida si loo xaliyo gundhiga waxyaabaha dhaliyay xiisadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo ka hadashay khilaafka ka taagan guddiyada doorashada

Caydiid Ali

Dalalka G7 oo si adag uga hadlay Xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya soona saaray Digniin

Cabdi Cade

Itoobiya & QM oo ka heshiiyey qorshe muhiim ah oo khuseysa gobolka Tigray

Caydiid Ali