Virginia Gamba oo Muqdisho timid iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee qaramada midoobay, u qaabishan caruurta iyo khilaafaadka hubeysan, Virginia Gamba de Potgieter.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan caruurta iyo khilaafaadka hubeysan ayaa looga hadlay sidii kooxaha argagaxisada looga hor istaagi lahaa askareynta carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalka carruuta,

Virginia Gamba oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay soo dhaweynta bogaadisay dadaallada dowladda ee dib-u-habeynta ciidanka oo qayb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda carruuta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in dowladda ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah, guulo wax ku ool ahna laga gaaray tillaabooyinka loo qaaday xasilinta dalka, arrinaas oo horseedeysa in carruunta iyo dhammaan bulshadu ay helaan nabad waarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -