Dowladda Turkiga ayaa loo tiriyaa xulufada ugu weyn ee xilligan leedahay dowladda cusub ee Suuriya, waxa uuna hadda Turkiga shaaca ka qaaday in aysan diyaar u aheyn in gudaha Suuriya dagaal kula galaan Israa’iil, waxa ay sidoo kale ogolaadeen in xukuumadda Dimishiq heshiis la gali karto Israa’iil.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa waraysi uu maanta siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in dowladiisa aysan dooneyn in gudaha Suuriya dagaal kula gasho Israa’iil, xilli Israa’iil diidan tahay in Turkiga saldhigyo ka dhigto Suuriya, sidoo kale bilaabeen duqeyo ay Suuriya ka geesanayaan.
Hakan Fidan, ayaa sidoo kale sheegay in aysan Turkiga wax dhibaato ah u arki doonin haddii madaxweynaha Suuriya , Axmed Sharac uu go’aansado inuu heshiis la gaaro Israa’iil , waxa uuna xusay in Suuriya isfahamka dalkooda la galeen oo kale la gali karaan Israa’iil oo iyana daris la ah.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Israa’iil diidan tahay in Turkiga saldhigyo waa weyn ka sameesto gudaha Suuriya ayna xiraan hawada dalkaasi oo marka ay doonaan Israa’iil duqeymo ka fuliyaan, lamana oga sida heshiis ku wada gaari karaan dowladda Suuriya iyo maamulka Yahuuda Israa’iil.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com