Imaaraadka Carabta oo viisaha dalkeeda u diiday 20 dal oo Afrika ka tirsan iyo Somalia oo..

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray warbixin ay fiisooyinka ugu diidday dadka u dhashay 20 dal oo Afrikaan ah muddo 30 casho oo ka billaabanaysa 18-ka Oktoobar.

Dalalkaas waxay kala yihiin: Uganda, Ghana, Sierra Leone, Cameroon, Sudan, Nigeria, Liberia, Burundi, Guinea, Gambia, DR Congo, Togo, Senegal, Benin, Congo, Rwanda, Ivory Coast, Burkina Faso, Guinea Bissau ioy Comoros iyadoo Somalia aysan ku jirin dalalka xanibaada la saaray

Codsi kasta oo ka timaada wadamada aan kor ku soo xusnay dib ayaa loo celin doonaa ama waa la tirtiri doonaa dalabkooda,” ayaa lagu yiri warbixinta oo aan lagu xusin sababta ka dambeysa arrintan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo mas’uuliyiinta Imaaraadku ay qaadaan tilaabooyin noocaan ah. Bishii Disembar 2021, Emirates Airlines waxay ku nuuxnuuxsatay in siddeed waddan oo Afrikaan ah aan la aqbali doonin inay ku safraan Dubai illaa amar dambe. Go’aankaas ayaa la soo rogay iyadoo ay ugu wacan tahay faafitaanka Coronavirus iyo noocyadiisa cusub.

Dhowaan ayaa la sheegay in Nigeria ay ugu dambeyntii soo daad gureysay 679 muwaadiniinteeda ah oo ku xayirnaa Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Liibiya ka dib markii Dubai ay ku dhufatay xayiraadda fiisaha ee dhalinyarada Nigeria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -