Elon Musk oo si rasmi ah ula wareegay shirkadda Twitter, shaqadana ka eryey..

Maamulaha shirkadda baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla Inc Elon Musk ayaa si buuxda ula wareegay milkiyada barta Twitter-ka, isagoo sidoo kale shaqada ka eryay madax sare oo uu ku eedeeyay inay marin habaabiyeen.

Xubnaha uu shaqada ka eryay waxaa ka mid ah Madaxii Fulinta ee Twitter Parag Agrawal, Madaxa Maaliyadda Ned Segal iyo madaxa arrimaha sharciga iyo siyaasadda Vijaya Gadde, sida ay sheegeen dadka xog-ogaal u ah arrinkan.

Elon Musk ayaa sheegay inuu doonayo in uu isbedel weyn ku sameynayo shirkadda Twitter, isla markaana uu ka dhigi doono goob ka caaggan been abuurka, kana ilaalin doono inay noqoto meel naceybka iyo kala qeybinta lagu faafiyo.

Hase yeeshee Musk ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan sida uu ku gaari doono waxaas oo dhan iyo cidda maamuli doonta shirkadda.

Wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu dhimo shaqooyinka shirkadda, taasoo ka dhigeysa ku dhawaad 7,500 oo shaqaale inay ka welwelaan mustaqbalkooda Twitter-ka.

“Uma iibsan Twitterka inaan lacag badan ka sameeyo. Waxaan isku dayayaa in aan caawiyo bini’aadamka oo aan jeclahay” ayuu yiri Elon Musk.

Musk oo ah ninka ugu taajirsan dunida ayaa $44-bilyan ku biibsaday shirkaddan, waxaana heshiiskan soo gunaanaday hadal-heyntii shakiga gelisay dhammeystirka iibkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -