Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo soo gebagebeeyey safarkii uu ku joogay Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland intii u dhaxaysay 24 ilaa 27 Bishan August 2020.

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Kulamada uu Madaxweynahu la qaatay Masuuliyiinta Puntland ayaa diirada lagu saarayay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dowladood iyo Arimaha Siyaasada dalka.

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntland sidii milgaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Waxaa Madaxweynahu uu goordhow oo galabta ah dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Iran oo gantaalo iyo dayuurado dagaal ku weerartay gudaha Israel

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo deegaan Beeleed u magacaabay Xaafad katirsan Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade

Shilkii lagu hoobtay oo caawa ka dhacay Isgoyska H/wadaag oo Faahfaahin laga bixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---