Booliska DF oo ka hadlay haweeney gabar todoba jir ah dil ugu geysatay Muqdisho

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay iney soo qabteen haweeney degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dishay gabar 7 sano jir aheyd oo jaariyad ahaan guriga ugu joogtay.

Haweeneyda ayaa la sheegay iney madaxa darbiga uga garaacday gabadha yar taasoo keentay iney si lama filaan ah u geeriyooto, waxaana falkaas ka carooday qoyska gabadha yar iyo dadka degaanka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -