Allbanaadir.com
NEWS

Dowlado sheegay in ay hayaan Cadeymo ku aadan in Iran soo riday Diyaaradii Ukraine

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay in diyaaradii dhawaan kusoo dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineysa in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan qotodheer lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof ee saarnaa.

Trudeau ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka ah oo ku aadan arrintaas.

“Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay”, ayuu ra’iisul wasaaraha Canada.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Sidoo kale warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama’ ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada Somalia oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2024 (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Video: Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee arrimaha Soomaaliya iyo nin geestay qaraxyo ka dhacay muqdisho oo ….!!

admin

Masuuliyiin ku Shiray Muqdisho oo si adag uga hor yimid shirka Dhuusomareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---