Wararka ka imaanaya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in hal qof uu ku geeriyooday labo ruux oo kalena ay dhaawacmeen ka dib markii bartamaha magaalada ay ku dhacday Biriqda roobka
Roob bilowday maanta xilli hore ayaana illaa galabta ka da’ayey degmada iyo degaanada ku xeeran kaasoo xanibay isku socodkii Magaalada
Qofka geeriyooday ayaa la sheegay iney aheyd haweeney ka tirsan dadka degaanka
Dhaawaca labada qof ayaa lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee ku yaalla degmada Caabud-waaq.
Gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa ka socda roobab mahiigaan ah oo ah kuwa xiliga guga ee sanad walba xiligan oo kale yimaada.
Inastoo roobabkan ay geysteen khasaarooyin naf iyo maalba leh haddana waxay noqdeen kuwo lagu diirsaday oo hoos u dhigay kuleylkii faraha badnaa, isla markaana biyo dhigay dhulkii jiilaalka ahaa.