Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya qalab casri ah oo dhanka Teknolojiyadda Isgaarsiinta (ICT) ah, si kor loogu qaado awoodda Ciidanka Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Qalabkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo isku filnaanshaha howlaha ciidamada, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Tan iyo sanadkii 2007, Mareykanka wuxuu si toos ah ugu deeqay in ka badan 782 milyan taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo ka mid tahay dadaallada Mareykanka ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa horraantii sanadkii 2023 ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya qalab ciidan oo qiimihiisu dhan yahay 9 milyan, oo ay ku jiraan hub culus iyo fudud, gaadiid, agab caafimaad, qalab miino baaris, iyo qalab dayactir. Qalabkan ayaa loogu talagalay in lagu taageero ciidamada Danab ee ka howlgala gobollada Hirshabelle iyo Galmudug.
Tallaabooyinkan ayaa muujinaya sida Mareykanka uga go’an tahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo la xoojinayo awoodda ciidamada gudaha si ay u gaaraan isku filnaansho buuxa.