Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid kamid Odayaashii soo doortay Mahad Salaad oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Baar Ubax ee magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon Warsame Ismaaciil oo kamid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan Muqdisho iyo Galgaduud.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan oo dhoor nin ahaa ayaa nabadoonka ku dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ay u joogsadeen xilli nabadoonka la sheegay in uu u socday goobtiisa shaqada.

Nabadoonka saakay la dilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo dhawwaan loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad Sugida ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay howlgal, lamana oga in ciidamada ay dad usoo qabteen dilka nabadoonka loo geestay.

Magaalada Muqdisho ayaa marar badan lagu dilay odayaal iyo ergooyin wax kasoo doortay xildhibaanada golaha shacabka, Al Shabaab ayaana horey u sheegtay in ay dili doonaan cid kasta oo kamid noqota ergooyinka dooranaya xildhibaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=s59OWj4ctOw&t=15s

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/Dibadda DF & dhigiisa Sayid Badr Bin hamad Albu-Saidi?

Caydiid Ali

Ruushka oo Hawada sare ku xiray Youtuber Caan ah iyo Sababta loo xiray oo la shaaciyay

Cabdi Cade

DF oo ka hadashay halka uu marayo qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---