Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo sagootiyey danjire Mohamed Ahmed Al-Cuthmani (Sawirro)

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al-cusmaan oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Al-cusmaan, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Al-cusmaan oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan walaalaha Carabta, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro  iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray RW Khayre (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada oo Wax ka bedeshay Qorshaha ay kula wareegeyso Gobolka Sh/Hoose (Warbixin)

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay qoraalka RW Rooble u diray Madaxda Dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---