Dowlada oo Wax ka bedeshay Qorshaha ay kula wareegeyso Gobolka Sh/Hoose (Warbixin)

Gobalka Shabeellada Hoose waxa uu kamid yahay goballada ugu waaweyn dalka, waxa uu caan ku yahay dhul beereed iyo wabiga ay isku magaca yihiin ee Shabeelle, waxa uu xuduud la leeyahay afar gobal oo kala ah Jubada Dhexe, Baay, Shabeellada Dhexe iyo gobalka Banaadir, waxaana qudaarta iyo dalagga kale ee kasoo go’a looga manaafacaadsadaa dalka oo dhan iyo dalalka deriska ah inkasta oo wax soo saarkiisu hoos u dhacay waayihii  Shabaab-ku ay intiisa badan heysteen.

Gobalka beereysiga hodonka ku ah ee Shabeellaha Hoose waxa uu ka kooxanyahay sideed demo oo kala ah Afgooye, Marko, Baraawe, Awdheegle, Walanweyn, Qoryooley, Sablaale iyo Kuntur-waarey, waxaana lix kamid ah hadda ay gacanta dowladda ku jiraan, taas oo ka dhigan  in 75% laga xoreeyay Shabaab, waxa ayna dowladdu qorsheyneysaa in labada degmo ee dhiman oo kala ah Sablaale iyo Kunturwaarey ay gacanta si dhaqsa ah ugu dhigto.

Degmada Aw-dheegle ayaa ugu dambeysay deegaannada dib ugu soo laabtay gacanta dowladda, waxaana horay loo qabtay, Sabiid, Caanoolle, Bariirre, Ceel Saliini iyo Marko halkaas oo dib noloshii bulshadu u baahneed loogu soo celiyay sida ay dowladdu ku dhawaaqday.

Qaabka Xoreynta gobalka oo sidii hore laga bedelay

Gobalka Shabeellada Hoose oo horay deegaanno kamid ah ciidanka dowladdu ay kala wareegi Shabaab, kadibna ay kasoo laaban jireen ayaa dad badan oo Soomaaliyeed waxa ay shaki geliyeen in qaabkii hore si ka bedelan ay wax u dhacayaan.

Sidii dowladdu u bedeshay qaab dhismeedka ciidanka, diiwaan gelin rasmi ahna ugu sameysay waxaa is-bedelay hannaankii howl gallada dowladdu ku dooneyso in ay dalka ku xoreyso.

Taliyaha Ciidanka lugta ayaa hoggaaminaya howl gallada oo ku socda Istaraatiijiyo laga baaraan degay, waxaana meesha ka baxay howl galladii dhiiga badan ku daadan jiray shacabkana waxyeelladu kasoo gaari jirtay, sida VOA uu u sheegay guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose.

Ciidamada Kumaandoosta ah ee DANAB ayaa si nabad ah ku qabta deegaanka, baaris iyo hubin kadibna waxaa la wareega ciidan loo diyaariyay oo isku mid loo tababaray loona carbiyay ilaalinta bulshada, akhlaaq leh oo qayb kamid ah tababarkoodu ahaa ilaalinta xuquuqda Aadanaha, waxa ayna goobta ka sameystaan saldhig ay kala socdaan dhaq-dhaqaaqa deegaanka, sida uu shaaciyay taliska ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka ayaa bulshada ay ugu tagaan deegaanka la xureeyay u qaybiya raashin iyo dawo si ay uga soo kabsadaan dhibaatadii xilliga dheer ay ku jireen, waxa ayna billaabaan is-dhex gal ay la sameynayaan bulshada si ay isaga kaashadaan sugidda amniga, waxaa mar kale ku celiyay guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose oo qadka taleefanka kula hadlay VOA isagaa oo Jooga Aw-dheegle.

Iska caabinta weerarada Rogaal Celiska ah

Inta badan marka ciidanku ay deegaan cusub la wareegaan waxaa Shabaabku ku soo qaadaan weerarro rogaal celis ah oo ay ku muujinayaan in ay wali meel dheer ka jirin, waxaana horay u dhici jirtay in qasaare badan kasoo gaaro ciidanka, hase yeeshee ciidanka oo khibrad ka helay waxyaabihii horay u dhacay ayaa billaabay feejignaan sababtay in weerarra badan oo aad u abaabulnaa ay ka hor tagaan

Taliska ciidanka xoogga waxa ay sheegeen in  habeenkii xalay ahaa ay Aw-dheegle ku dileen afar dagaallame shan kalana ay dhaawaceen kadib weerar gaadma ah oo lagu soo qaaday fariisimaha ay magaalada ka sameysteen.

Tababarka Ciidamada xoogga

Ciidanka xoogga dalka ayaa hela tababarro ay siiyaan Dowladaha Turkiga, Ingriiska iyo Mareykanka iyo dowladda oo si gaar ah ciidanka ugu diyaarisa xerada Gen. Gordan, halkaas oo ay ka qalin jebiyeen dufcado badan oo qayb ka qaatay xoreynta gobalka Shabeellada Hoose. Waxaa jira oo kale tababar saraakiil oo dalka dibaddiisa ah.

Ciidamada Gen. Gordan lagu tababaro ayaa dufcaddii qalin jebisaba waxaa loo diraa howl gal ay deegaan gaar ah ku abbaarayaan iyada oo ay kasii horreeyaan Danab oo deegaanka loo qorsheeyay marka hore u qabta.

Ciidanka Uu Turkigu Tababay Oo  Howl Gal Billaabay

Ciidanka Turkigu u tababay Soomaaliya oo qayb ka ah qorshaha dib-u-dhiska dalka ayaa markii ugu horreysay ka qayb qaatay howl galka, waxa ayna dhanka Bariirre ka galeen magaalada Aw-dheegle halka ciidankii DANAB ee horay caanka ugu ahaa howl-gallada Nuucaan ah iyana ay dhanka kale kasoo galeen.

Saadka Ciidanka Iyo Talisyada Gobalka

Horay waxaa u dhici jirtay in xilliyada ay howl galku jiraan saadka iyo sahayda laga soo doono Muqdisho hase yeeshee hadda waxaa sahayda ciidanka goor hore lagu sii diyaariyaa saldhigyada ku yaalla gobalka arrintaas oo meesha ka saartay dhibaatadii ciidanku ay ku qabeen sahayda daahda oo mararka qaar sababi jirtay in ay aagga isaga soo baxaan Shabaabna ay dib ugu soo laabtaan.

 Qorshaha La Wareegidda Amniga guud ee dalka

Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ayaa qorshuhu yahay in si tartiib ah ay ciidanka AMISOM kala wareegaan amniga dalka oo dhan, howl-gallada Shabeellada Hoose ka socdana waxa ay qayb ka yihiin qorshaha ciidanku ay ku qaadanayaan mas’uuliyadda amniga oo dhan.

Xornimada Bulshada iyo Amniga Caasimadda

Sida dadka wax falanqeeya ay qabaan, deegaannada la xoreeyay danta ugu wayn waxaa ku qaba bulshada deegaanka oo dib u helay xorriyada socod, ganacsi iyo bulsho, hase yeeshee iyana waxaa ka faa’ideysanaya caasimadda oo dhibaato ku qabtay qaraxyo badankood la sheegay in laga soo abaabulo deegaannada Shabaabku ay sida caadiga ah uga howl gelayeen, mar kasta oo deegaan hor leh laga sii qabsado Shabaab-na waxaa sii yaraanaya qaraxyadii ay dadka badani ku dhibaatoon jireen.

 Tacab iyo Maal gelinta Beeraha gobalka

Dad badan oo isugu jira ganacstado iyo dadka leh dhul beereedka ayaa ka fakaraya in ay maal geliyaan in badan oo kamid ah dhul beereedka si ay uga sameeyaan iyaga oo ka faa’iideysanaya deegaannada dib loo xoreeyay iyo dhismaha socda ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Caqabadaha wali hor taagan

Marka lag tago, labada degmo ee gacanta ay sida buuxda ugu hayaan, Shabaab waxa ay ku suganyihiin tuulooyin ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana suuragal ah in xilli dheer ay halkaas kasii howl galaan, arrintaas oo wiiiqi karta guulaha ay dowladdu ka sheeganeyso howl gallada gobalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -