Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wiilka uu dhalay Madaxweyne Yuweri Musaveni oo sheeko cusub keenay

Labo-xiddigle Janaraal, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa sheegay sida kaliya ee uu ugu abaal gudi karo hooyadiis, iney tahay inuu qabto madaxtinimada dalka Uganda.

Warkan ayuu soo galiyey barta uu ku leeyhay Twitter-ka. Mana ahan markii ugu horeysay ee qoraaladiisa twitter-ka uu soo dhigo Muhoozi ay keenaan xiisad.

Dhowaan qoraal uu soo galiyey bartiisa, ayaa wuxuu ahaa mid aad wax u kala fogeynaya, dalalka Kenya iyo Uganda.

Qoraalka ayuu ku sheegay in magaalada Nairobi ee caasimadda u ah Kenya uu ku qabsan karo awood ciidan muddo gaareysa laba toddobaad.

Dhaqanka Muhooziye, ayaa ah inuu dad badan oo isticmaala Internet-ka, uu u yahay maaweelo iyo hadalo mararka qaar isku bedela kuwa muran abuuro.

Hadalkan cusub ee Muhoozi uu fara gashaday xilka madaxweyne ee uu aabihii hayo ayaa dad badan yaab iyo shaki ku abuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo sheegtay iney xadka Somalia ku qabatay ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish

Caydiid Ali

Dagaal dhiig badan ku daatay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: R/W Khayre oo ka qeyb galay Xuska Sannad guuradii 48-aad ee Ciidanka Asluubta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---