Maxaa looga hadlay qoraalka RW Rooble u diray Madaxda Dowlad goboleedyada?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraal u diray dhamaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Maamulka gobalka Banaadir sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Somalia.

Qoraalka Rooble oo maalmo ka hor ahaa ayaa madaxda dowlad loogu sheegay in ugu dambeyn 13-ka bisha oo maanta ku beegan ay soo dirsadaan min 2 xubnood oo ka mid noqonaya guddi farsamo oo ka soo shaqeeya xal u helida qodobada la isku hayo ee arrimaha doorashada Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka shaqeynaya soo saarida dhowr qodob oo la kala xusho oo lagu xaliyo qodobada muranka dhaliyay ee doorashada Soomaaliya sida ku xusan qoraalka Rooble.

14-ka bishan ayaa guddigan waxay ku kulmi doonaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay sida qorshuhu yahay, iyadoo DF ay guddigaas ku metelayaan Wasiirka dastuurka Soomaaliya iyo danjire Yuusuf Garaad Cumar.

Guddigan ayaa sidoo kale ka soo tala bixinaya halka uu ka dhacayo shirka ay isugu imaanayaan madaxda dowladda, kuwa maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka gobalka Banaadir 15-ka bishan, kaasoo madaxweyne Farmaajo uu horey u iclaamiyey in lagu qabanayo magaalada Garowe, balse Puntland ay diiday, soona jeedisay in Muqdisho uu ka dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -