Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamada DF iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay deegaano ku dhaw dhaw Aadan Yabaal

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa deegaanka gobolka Hiiraan ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay deegaano ku dhaw dhaw degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe .

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah la wareegeen deegaanka Qooxle iyo deegaano kale oo kuyaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe kuna dhaw degmada Aadan Yabaal.

Ciidamada oo taageero ka helaya diyaarado dagaal oo kor kala socda sidoo kale duqeyma la beegsanaya goobaha Al Shabaab lagu tuhmo, ayaa dhoor mar dagaal kala kulmay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan amniga guud ahaan gobolka Hiiraan, waxa ayna xuseen in ay beegsanayaan Al Shabaab meel kasta ay joogaan ayna suurto gal tahay in ay u gudbaan degmada Aadan Yabaal.

Al Shabaab ayaa saldhiga ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ku leeyihiin kuyaalla Aadan Yabaal, waxaana Al Shabaab wajahayaan duullaan dhoor jiho uga imaanaya ee lagu doonayo in looga saaro deegaanada Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Xasaasi ah oo looga hadlay Muranka Badda Somalia oo ka dhacay Adis Ababa iyo Dowlada oo cadeysay in …

Cabdi Cade

Dowladda Iiraan oo sheegtay inuusan jirin wax weerar ah oo dibeda looga soo qaaday

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo shaacisay iney bilowday dagaal ka dhan ah warbaahinta Online ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---