Allbanaadir.com
NEWS

Shir ka dhacaya Madaxtooyada iyo Mid kamid ah madaxda maamulada oo Muqdisho yimid (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay wasiirro katirsan xukuumadda iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo Laftagareen soo dhaweeyay ayaa sheegay in madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyana soo gaaraan Muqdisho saacadaha soo socda.

Madaxweyne Laftagareen oo u yimid magaalada Muqdisho ka qeybgalka shirkada madasha wadatashiga qaran ee ka dhacaya Madaxtooyada , kaa oo looga arrinsanayo arrimo muhiim ah ay kamid yihiin la dagaalanka Al Shabaab iyo arrimaha shidaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada shir wadatashi ah, waxaana shirkan kusoo aadayaa xilli xasaasi ah oo qeybo kamid ah dalka ka bilowdeen howlgalo lagula dagaalamayo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Gaari qaali ah siiyay Gabar Gedo uga timid in Tartan Qur’aan akhris ka qeyb gasho (Sawirro)

Cabdi Cade

Turkiga oo xabsiga dhigay labo ruux oo Imaaraadka u dhashay iyo sababta keentay 

Cabdi Cade

Diyaarado maanta weerar ku qaaday magaalada Moscow iyo Ruushka oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---