Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo kula kulmay Masuuliyiin Mareykan ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka oo Maanta Baydhabo soo gaaray.

Kulan saacado qaatay ayey yeesheen Madaxweyne Laftagareen iyo wafdiga waxana ay kaga hadleen kulankooda Xaalada Dalka oo ugu horeyso Amniga,Abaaraha,Siyaasada iyo Hormarinta adeegyada Dowladda.

Madaxweyne Laftagareen ayaana wefdigan ka socday safaaradda Mareykanka warbixin ka siiyay xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada mamaulka Koonfur Galbeed iyo sida ugu macquulsan ee dadkaasi loo caawin karo.

Masuuliyiinta ka socday safaaradda Mareykanka ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa dhankooda ballanqaaday in maamulka Koonfur Galbeed ka caawinayaan u gargaarida dadka abaaraha saameeyeen iyo sidoo kale sugida amniga guud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -