Shir Xasaasi ah oo looga hadlay Muranka Badda Somalia oo ka dhacay Adis Ababa iyo Dowlada oo cadeysay in …

Gollaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay arrimaha dacwadda ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa horgeesay  Guddiga amniga iyo nabadda ee Afrika in muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya soo faragaliyaan laguna xaliyo muranka wadahadal dibna kiiska dacwada looga soo celiyo Maxkamada caalamiga ee ICJ.

Golaha ayaa warbixin la xariirta muranka badda ka dhageystay mas’uuliyiin ka socday dowladaha  Soomaaliya iyo Kenya, waxaana warbixinta markii laga dhageystay labada dal lagu amray inay bannaanka uga baxana shirka, si Golaha ay uga doodaan dhexdooda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda ayna rajo ka qabaan in go’aan ka gaarto maxkamada.

Waxa uu tilmaamay in aysan wanaag u arkin in xilligaan golaha la horkeeno kiiska dacwada iyo muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna sheegay in talaabadan u muuqato mid  lagu mushquulinaayo doodda maxkamada

Wasiir Kheyr ayaa sheegay in sababta dacwada loo geeyay Maxkamada ICJ ay tahay in si nabad ah arintan lagu xaliyo, waxa uuna tilmaamay in rajo weyn ka qabaan in guddiga amniga iyo Nabada Afrika soo saaraan go’aan lagu taageerayo qadiyada Soomaaliya .

Waxa uu cadeeyay Wasiirka in dowlada Soomaaliya aysan marnaba gor gortan aysan ka galeyn kiiska muranka badda ee yaala maxkamada ICJ, waxa uuna sheegay in Maxkamada tagayaan ayna rajo ka qabaan in kiiska la ambo qaado laguna kala baxo.

Guddiga amniga iyo nabadda ee Afrika ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan War Murtiyeed kasoo saaraan muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo isbuuca soo socda la filayo in dhageysiga dacwadan dib uga bilaabato maxkamada ICJ.

Dowlada Kenya ayaa wada qorshe kasta ay uga baaqsan karto in dacwada muranka badda dib uga furanto Maxkamada caalamiga, waxa ayna Kenya wali rajo ka qabtaa in arintan wadahadal lagu dhameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -