(Sawirro) Xusuusta Kacaankii dalka ka curtay maanta oo kale 21-kii Oktoobar 1969kii?

Arooryadii hore ee 21-kii Oktoobar sanadkii 1969-kii ayey aheyd markii koox ka tirsan ciidamadii milateriga iyo kuwa Booliska oo uu hogaaminayey S/Gaas Maxamed Siyaad Barre ay xukunka dalka ku qabsadeen afgembi aan dhiig ku daadan, maalmo ka dib markii magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool lagu dilay madaxweynihii dowladdii sida Dimoqraadiga ah loo soo doortay ee xiligaasi jirtay marxuum C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana ciidamadan ay u soo baxeen wadooyinka iyagaoo wata taangiyo waxayna gacanta ku dhigeen xarumaha waaweyn ee dowladda sida xarunta Baarlamanka, idaacadii Radio Muqdisho iyo meelo kale.

Saraakiishii afgemigaasi hogaamineysay oo intooda badan ay hadda geeriyoodeen ayaa waxaa ka mid ahaa:-

Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Xoogga)
Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)
Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Xoogga)
Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis)
Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Xoogga)
Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Xoogga)
Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (Xoogga)
Col. Cali Mataan Xaashi (Xoogga – Ciidanka Cirka)
Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)
Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)
Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Xoogga)
Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Xoogga)
Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)
Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Xoogga)
Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Ciidanka Badda)
Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Xoogga)
Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Xoogga)
Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Xoogga)
Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Xoogga)
Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Xoogga)
Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Xoogga)
Capt. Maxamed Cumar Jees (Xoogga)
Capt. Cusmaan Maxamed Jeele (Xoogga)
Maj. Muuse Rabiile Good (Xoogga)
Capt. Cabdi Warsame Isaaq (Xoogga).

21 sano ka  dib 26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii ayaa xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd, ka dib markii Jabhado ku kacay xukunkiisa ay ugu dambeyntii caasimada kula dagaalameen ka dibna ka saareen.

Inkastoo marxuum Maxamed Siyaad Barre lagu eedeeyey inuu geystay gabood falo iyo tacadiyo kala duwan hadana laga soo bilaabo xiligii xoriyada la qaatay oo aheyd 1960-kii  illaa xiligan burburka lama hayo cid qabatay wax ka wanaagsan horumarkii uu dalka gaarsiiyey sida ay qabaan Soomaali badan.

Kacaanka ayaa dalka ka abuuray hanaan dowladnimo oo dhameystiran gacan bir ahna ku jiray, waxaana waxyaabaha lagu xusuusto Dowladaasi ka mid ahaa waxbarasho lacag la’aan ah, min Dugsi hoose illaa heer Jaamacadeed taasoo ay adkeyd in laga soo helo dal kale oo Afrika ku yaalla, ciidamo tayeysan oo mar noqday kuwa ugu fiican qaarada Afrika, amni buuxa oo xiligii aad doonto socon karto dhismihii isbitaalada, Wadooyinka iyo Wasaaradaha, sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Maxamed Siyaad Barre marti galintii madaxda afrika sanadkii 1974 iyo qoridii afka soomaaliga 1972 ku biiridii Soomaaliya ee Jaamacada carabta sanadkii 1974 iyo dagaalkii Itoobiya lagu qaaday 1977 ee lagu xoreeynayay Somali galbeed iyo aruurintii caruurta darbi jiifka ee markii lagu xanaaneyn jiray xaruntii dhalinta kacaanka ee lafoole, iyo arimo badan aan la soo koobi Karin.

Dhismaha Dalka ka sakow, Kacaanku wuxuu door lixaad leh ka cayaaray siyaasadda Arimaha Dibadda ee beesha caalamka, Soomaaliya waxay hogaamiye ka noqotay xaqiijinta Xornimo gaarsiinta qeybo ka mid ah Wadamadii reer Afrika ee ku jiray gacanta Gumeysiga.

Macallinkii Kacaanka, ahna Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed {X.H.K.S} Jaalle Maxamed Siyaad Barre. wuxuu heshiisiiyay Dalal ay colaad ba’an ka dhex jirtay, halka uu kuwa kalana u tababbaray ciidamadooda iyo shaqaalahooda, xilligaasi waxaa lagu aflaxay inaan ka mid noqono Ururrada ka jira Adduunka oo dhan.

Dhibaatooyinka lagu eedeeyo xukunkii marxuum MSBare waxaa ka mid ahaa caburin dhinaca xoriyatul qowlka ah, Musuq-maasuq markii dambe baahay, xarig iyo dil lagula kacay cidii loo arko iney khatar ku tahay Dowladda, iyo arrimo kale kuwaasoo sababay in dadku ay u sacab tumaan Jabhadihihii ku kacsanaa oo xiligaasi loo arkayey kuwo keeni kara xukun furfuran oo dhaama kii kacaanka.

Hase ahaatee, nasiib daro markii Maxamed Siyaad la eryey waxaa uu dalku galay dagaalo sokeeye oo aan dhamaaad laheyn markastana weji cusub la soo baxayey, waxaana meel walba ku baahay xaalad fowdo iyo Jahwareer leh.

Sida dad badan aaminsan yihiin MSbarre qaladaadkii ugu waaweynaa ee uu galay waxaa ka mid ahaa toogashadii lagu fuliyey horaantii sanadkii 1975-kii 10 nin oo ka tirsana culumaa’udiinka Somalida ka dib markii ay ka soo horjeesteen go’aan diinta Islaamka qilaafsanaa oo ka soo baxay golihii sare ee Kacaanka oo ahaa in ragga iyo haweenku siman yihiin.

April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre, Waxaana la toogtey 17 ka mid ahaa raggii inqilaabka lagu tuhmay oo uu ku jirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka.  Xilligaas ayuu oo marxuum C/llaahi Yuusuf oo mar madaxweyne ka noqday dalka uu ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas fashilmay.

Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay, waxaana raggii loo xiray ee markii dambe loo dilay ka mid ahaa saraakiil ay ka mid ahayaeen Maxamed Ceynaanshe Guuleed, Gen. Salaad Gabeyre Kediye iyo qaar kale.

Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka Soomaaliya, waa jabhadii (SDF) taasoo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).

Markii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee Somalia 26-kii Janaayo 1991-dii, xiligaasi dadku aad ayey ugu farxeen, Hase ahaatee  32 sano ka dib xitaa kuwii la dagaalamay waxa ka qoomameynayaan dagaalka ay la galeen marka loo eego wixii dalka ka dhacay xiliyadii ka dambeeyey markii xukunka laga tuuray oo aheyd markii Somalia ay ugu dambeysay dowladnimo iyo nabad, ayna soo soo bilaabatay dhibaatada aan dhamaadka laheyn ee ay 32 sano ka dib weli loo maaro la yahay.

Maanta oo kale 21-ka Otoobar waxay aheyd maalin weyn oo loo dabaaldego xiligii berisamaadkii curashadii kacaankii 21-ka oktoobar, waxaa la sameyn jiray dabaaldegyo arintaasi la xiriira, kaasoo uu ugu weynaa kii ka dhici jiray fagaaraha Tarabuunka halkaasoo madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo xubnihii la baxay golihii sare ee kacaanka ay salaan sharaf kaga qaadan jireen qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamada qalabka sida oo halkaasi socod noocyo kala duwan leh ku mari jiray, marxuum Maxamed Siyaad barre waxa uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2005-tii magaalada Lagos ee dalka Nigeria oo uu qaab magangelyo ah ku joogay, iyadoo maalmo ka dibna lagu aasay gobolka Gedo oo degaan ahaan uu ka soo jeedo, waxaana hubaal ah in Somalia aysan Iloobi doonin wixii uu u galay.

32 sano ka dib Somalia waxaa ka jirta dowlad rasmi ah oo leh awood sharci ah iyo aqoonsi buuxa oo caalami ah heysata, waxayna ka soo kabaneysaa burburkii mudada dheer socday inkastoo awooda hogaamineed ee dowlada ay kooban tahay, waxaana laga rajeynayaa iney dib u soo celiso sharaftii iyo karaamadii Qaranka oo weli baadi goob loogu jiro.

(Dugaagaa dalka kaa baxshee… duqaanoow dowlad waa aheyd)

Marxuum Abwaan Abshir bacadlle

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -