Paul Biya oo markii 7-aad ku guuleestay in uu Madaxweyne noqdo

Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya oo 85-sano jir ah ayaa markii 7-aad oo xiriir ah ku guuleestay in uu noqdo Madaxweyne, kadib doorasho muran badan dhalisay oo dhawaan ka dhacday dalkaasi .

Paul Biya oo ah Madaxweynaha ugu da’da weyn qaarada Afrika ayaa mar kale ku guuleestay doorasho ka dhacday dalkaasi, waxa uuna helay %71.3 codadkii la dhiibtay halka musharaxii kusoo xigay uu helay %14.2.

Doorashada ka dhacday dalka Cameroon ayaa la sheegay in ay codadka dhiibteen dad tiro yar, waxaana doorashadan intii ay socotay dalkaasi  ka dhacay rabshado ay dhigayeen dad kasoo horjeeda in mar kale la doorto Paul Biya.

Dalka Cameroon ayaa waxaa Madaxweyne ka ah sanado badan Paul Biya oo hada 85-sano jir ah, waxaana Mucaaradka dalkaasi sheegeen in doorashada dhacday aysan aheyn mid daah furan oo si cadaalad ah u dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -