Xukun Dil ah oo lagu fuliyay Saddex nin oo ka dambeeyay qaraxyo dad badan ku dhinteen

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab, kuwaa oo masuul ka ahaa qaraxyo dad badan ku dhinteen iyo dilal kala duwan.

Ragan lagu toogtay fagaaraha iskuul buliisiya saakay ayaa lagu kala magacaabayay  Nuur Ibraahim Mahad Alle (Wayne), Xasan Cali Macalin Barre (Xasan Boy) & Isaaq Keerow Aadan, waxaana ragan xukun dil ah lagu riday sannado kahor .

Xasan Cali Macalin Barre (Xasan Boy) ayaa lagu helay in uu ka dambeeyay qarax gaari oo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Suuqa-Kaawo Godey, halka Nuur Weyne lagu helay in uu ka dambeeyay qarax lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Maxaas iyo rag kale.

Maxkamada ciidamada ayaana ragan la toogtay horey ugu heshay in ay ka dambeeyeen qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Maxaas, iyo dilal qorsheesan oo meelo kala duwan ka dhacay.

Xukunkan dilka ah ee lagu fuliyay xubnahan katirsanaa Al Shabaab ayaa imaanaya xilli sabtidii Muqdisho ka dhacay qarax ay ku dhinteen dad ka badan 100-qof oo ka dhacay isgooska Soobe , kaa oo lagu eedeeyay kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -