Maxay Soomaalidu ka baran kartaa iscasilaada Wasiiradii arrimaha gudaha UK?

Wasiirkii arrimaha gudaha Ingiriiska Suella Braverman ayaa qiratay inay dembi sharci jebin ah gashay, kaddib markii ay Email-keeda gaarka ah ka dirtay dokumanti dawladdu leedahay oo ay u wadday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Sharcigu waa in wixii war-isgaarsiin iyo xiriir dawladeed ah ay mariso ilaha dawladda ee loogu talagalay, laakiin sida ay sheegtay waxaa dhacay qalad farsamo oo cinwaankeeda gaarka ah ayay isticmaashay, sidaas awgeed waxa ay go’aansatay in ay masuuliyadda gefkaas qaado, xilkana ay iska casisho.

Wasiir Suella, waxay sheegtay in inkastoo dokumantiga ay dirtay aanu sir ahayn oo qaybo badan oo ka mid ah xogta ku qoran hore xildhibaannada loogu wargeliyey, qorshuhuna ahaaba in dhowaan la faafiyo, sidoo kalana xildhibaanka ay u dirtay ay ku kalsoontahay, yahayna dadka la rabay in lagu qanciyo taageeridda xeerkan. Haddana inay waajib tahay inay qirato gefka ah in si shakhsi u eg ay uga dirtay, sidaas awgeed ay xilka bannanayso.

Iscasilaad keliyana ma’aha ee qaladkeeda si loogula xisaabtamo waxay u gudbisay hay’adaha dawladda ee uu khuseeyo iyo xoghayaha golaha wasiirrada.

“Shaqada dawladnimo waxa ay ku dhisantahay in masuulku uu qaato masuuliyadda qaladkiisa. Siyaasad ahaanna waa gef in aynu qaladaadkeenna qarsanno alad baan sameeyey, masuuliyaddiisa anigaa qaadaya; waanan is casilay.” sidaas ayaa wasiiraddu ku tiri qoraalkeedan soo baxay 18 kii Oktoobar.

Ma kula tahay in Somalia laga heli karo wasiir ama masuul xil dowladeed haya oo isku casilaya sabab la xiriirta Email uu qaab qaldan u diray?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -