Yurub oo cunaqabateyn ku soo rogtay dal Muslim ah oo hub ku taageeray Ruushka

Midowga Yurub ayaa isku raacay cunaqabatayno ka dhan ah saddex shaqsi iyo hay’ad diyaaradaha drone-ka Iran u qeybinaya Ruushka, kuwaasoo loo adeegsaday in lagu duqeeyo Ukraine, waxaa sidaas sheegay dalka Czech oo hadda haya madaxtinimada ururka.

“Kadib 3 maalmood oo wada-hadallo ah, safiirada Midowga Yurub ayaa isku raacay tallaabooyin hay’adaha qeybinaya drone-ka Iran ee lagu garaacayo Ukraine,” ayaa lagu yiri qoraal ay Czech soo dhigtay twitter.

Cunaqabtaynada ayaa dhaqangeli doonta Khamiista maanta ah. “Dalalka Midowga Yurub waxay isku raaceen in la hakiyo hantida saddex shaqsi iyo hal hay’ad oo mas’uul ka ah gudbinta diyaaradaha drone-ka,” ayey tiri Czech.

“Midowga Yurub wuxuu sidoo kale diyaarinayaa in cunaqabtaynada lagu sii ballaariyo afar hay’ad oo kale oo horey uga soo muuqday liiska xayiraadaha.” ayaa lagu yiri qoraalka

Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inay afar diyaarado drone ah oo ay sameysay Iran u adeegsadeen duqeyn Isniintii ka dhacday magaalada Kyiv, waxayna sheegtay in ciidamadeeda ay soo rideen 223 diyaarado drone ah oo ay Iran sameysay tan iyo bartimihii September.

Kremlin-ka ayaa sheegay inaysan ka war hayn in ciidamadeeda ay drone-ka Iran u adeegsanayaan Ukraine, islamarkaana Tehran ayaa sheegtay in sheegashooyinka ku saabsan inay hub siineyso Ruushka “ay yihiin kuwa aan sal laheyn.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -