Xildhibaan laga qaaday Xasaanadii Xildhibaanimo kadib mooshin laga gudbiyay

Xildhibaanada golaha Wakiilada maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Garawe ayaa xasaanadii Xildhibaanimo ka qaaday Gudoomiyihii hore ee golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Kulanka ay yeesheen xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland ayaa lagu horgeeyay mooshin xasaanada looga qaadayay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo dhawaan laga qaaday xilkii gudoomiyaha golaha Wakiilada.

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Xildhibaan Dhoobo Daareed ayaa ku eedeeyay in uu ku xadgudbay dastuurka u degsan maamulka Puntland uuna faraha la galay arimo khal khal galinaya xasiloonida Puntland.

Kulanka ay yeesheen golaha Wakiilada Puntland ay soo xaadireen 40-Xildhibaan ayaa 39-kamid ah Xildhibaanada u codeeyeen in xasaanada laga qaado Xildhibaanka halka uu ka aamusay codeynta hal Xildhibaan.

Golaha Wakiilada Puntland ayaa la filayaa in dhawaan lagu soo daro Xildhibaan cusub oo bedeli doona Xildhibaankan maanta xasaanada laga qaaday, waxaana xasaanad ka qaadista Xildhibaan Dhoobo gadaal ka riixayay Xukuumada Deni.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland Dhoobo Daareed ayaa xilka laga tuuray kadib markii uu khilaaf soo kala dhax galay Madaxweyne Deni, waxa uuna Dhoobo dib ugu laabtay gobolka Sanaag halkaas uu ka bilaabay abaabul ka dhan ah maamulka Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -