Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Sida Raisul Wasaaraha Somalia loogu soo dhoweeyey Aadan Yabaal

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee cadowga laga xoreeyay.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo dhoweeyay Raisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Wafdi uu hogaaminayay.

Sidoo kale Wefdiga waxaa si weyn u soo dhaweeyay saraakiisha ciidanka iyo shacabka reer Aadan-yabaal oo isu soo baxay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadanaya saraakiisha ciidanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan

Degmada Aadan yabaal oo aheyd fariisinkii ugu weynaa Al-shabaab ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa la wareegay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Suuqyo kuyaalla Ceelasha Biyaha oo qaraxyo lagu gubay kaddib markii…

Cabdi Cade

Xogta kulan uu ka qeyb galay Raisul Wasaare Xamse oo ka dhacay Xalane (Sawirro)

Caydiid Ali

Biyo Mareen looga saarayo biyaha Fariista Warta KM-4 oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---