Ruushka oo amar cusub ku soo rogay gobolada uu xoogga kaga qabsaday Ukraine

Madaxwaynaha Ruushka iyo xukuumaddiisa ay wajahayaan cadaadis militari iyo mid dhaqaale ayuu Putin ku soo rogay xukun militari afar gobol oo uu horay u sheegay inuu ka goostay Ukraine.

Madaxwayne Putin ayaa sidoo kale adkeeyay ammaanka guud ahaan Ruushka, iyadoo la soo bandhigay saddex qorshe oo leh heerar kala duwan oo dhanka ammaanka ah.

“Xukunkan milatari ee jamhuuriyadaha Donesk, Lugansk iyo gobollada Kherson iyo Zaphorishya tan iyo markii ay ku soo biireen dhulka Ruushka. Iminka waa lagama maarmaan in la dhaqan geliyo, iyada oo la raacayo sharciga Ruushka, marka waxaan saxiixay dikreeto xukun milatari ku soo rogaysa afarta qaybood ee ka midka ah federaalka Ruushka,” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhankiisa sheegay in madaxwayne Putin ay u muuqato in ay ka dhamaadeen khiyaarradii u furnaa, isla markaana ay iminka u egtahay in uu dhibaateynayo muwaadiniinta Ukraine.

Gobollada Luhansk, Donetsk, Zaporizhzhia iyo Kherson ayaa lagu soo rogay xaalad militari oo degdeg ah, mana cadda waxay tallaabadan cusub soo kordhinayso xilli militariga Ukraine ay horumarro ka sameynayaan dagaalka.

Ciidamada Ukraine ayaa wacad ku maray ineysan hubka dhigi doonin oo ay ka go’an tahay in ay dib u qabsadaan dhulkii uu Ruushka horay ula wareegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -